Yaa ka shaqeeya baxnaaninta? ( Vilka jobbar på habiliteringen?)

Svensk version av sidan

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa xirfadaha laga heli karo rugaha qaabbilaadaha baxnaanooyinka. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Qofka dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jirka (arbetsterapeut)

Qofka dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jirka ayaa kaa caawin kara inaad samayso dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee nolol maalmeedka si aad u sii fiicanaato. Si wada jir ah ayaad u heli kartaa idinku habab cusub oo wax loo qabto, taas oo keenaysa in aad adigu wax badan isdeberikartid. Waxaa jira qalabyo caqli badan oo loogu talagalay jirka iyo maskaxda labadaba. Tusaale ahaan, barnaamijyada kombiyuutarka ku jira ee akhrin kara qoraalka, ama saacadaha kaa caawinaya inaad waqtiga ilaaliso.

Takhaatiirta ka shaqaysa baxnaaninta, jimicsiga iyo dhaqdhaqaaq jirka waafaqsan (fysioterapeut/sjukgymnast)

Qofka ka shaqeeya baxnaaninta, jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa jirku wax badan ayuu ka yaqaanaa jirka. Dhakhtarka jimicsiga jirka waxaad ku tababaran kartaa dhaqdhaqaaqyo kala duwan. Waxay noqon kartaa inaad sii xoogeysato ama aad hesho dheelitir wanaagsan. Qaar waxay u baahan yihiin inay tababar sameeyaan si ay xanuunka u yareeyaan, ama waxay rabaan inay iskood wax badan u qabsadaan. Mararka qaarkood waxaa loo baahan yahay qalab qofka caawiya. Takhtarka sameeya baxnaaninta, jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa jirku waxaa mararka qaarkood loo yaqaannaa inuu yahay qof wax masaajeeya oo duuga xubnaha jirka (sjukgymnast).

La taliyaha arrimaha bulshada (kurator)

La taliyaha arrimaha bulshadu wax badan ayuu ka yaqaanaa kaalmada aad ka heli karto bulshada. Adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah ayaa laga yaabaa inaad u baahato talo ama taageero marka ay nolosha wax iska bedelaan. Waxay noqon kartaa dugsiga xilliga uu ilmuhu dhowr iyo toban sano gaaro ama qaan gaaro. Waxa laga yaabaa inaad u baahato taageero marka aad la xiriirayso hey’adda ama cilaaqaadka. La taliyuhu wuxuu ku fiican yahay dhegeysiga iyo caawinta.

Qofka dadka ka caawiya hadalka iyo codka (logoped)

Takhtarkani wuxuu adiga kaa caawinkaraa hadalka inaad siyaabo kale u hadasho. Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo aad dadka kale u tusi karto waxaad rabto, waxaad ku fakarayso iyo waxa aad dareemayso. Waxaad isticmaali kartaa luqadda lagu hadlo, calaamado ama sawirro. Takhtarkani wuxuu kaa caawin doona inaad hesho qalabka waxa caawiya oo wuxuu ku siinayaa talooyin ku saabsan sida aad ugu tababaranayso. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa takhtarka haddii ay kugu adag tahay wax cunida iyo wax liqiddu.

Qofka aqoonta u leh cilmi nafsiga (psykolog)

Takhtarka cilmi nafsiga, waxaad kala hadli kartaa fikradahaaga iyo dareenkaaga ku saabsan naftaada. Takharka cilmi nafsigu wuxuu ku fiican yahay inuu dadka dhegeysto, xitaa marka waxa aad rabto inaad u sheegto ay aad u adag tahay. Adiga ayaa go'aan ka gaaraya waxaad rabto inaad ka hadasho. Xitaa qaraabadaadu waxa laga yaabaa inay u baahdaan inay la hadlaan cilmi nafsiyaqaanka. Takhtarka cilmi nafsigu wuxuu kaloo samayn karaa baaritaanno.

Macalin gaar ah (specialpedagog)

Macallin gaar ah ayaa ka shaqeeya si uu u fududeeyo barashada waxyaabaha cusub. Waxay noqon kartaa iyada oo la kaashanayo alaabta lagu ciyaaro ama shay kale oo sahlaya in xooga la saaro. macalinka gaarka ahi wuxuu ka dhigi karaa wax xiiso leh. Si wadajir ah ayaad isugu afgaran kartaan habka adiga kugu habboon. Macalinka gaarka ahi wuxuu sidoo kale hubin karaa inuu arrintaasi ku shaqayn karo guriga iyo dugsiga labadaba.