Waxan ayaa caawimo lagaa siinkaraa (Det här kan du få hjälp med)

Svensk version av sidan

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxa ay Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku) kaa caawin karaan adiga. Waxa laga yaabaa inaad u baahato in dhowr wax lagaa caawiyo ama hal wax oo keliya. Waxa laga yaabaa in baahiyahaagu ay isbeddelaan xilliyada kala duwan ee noloshaaada. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Baxnaanintu waxay adiga oo ah qofka naafada ah kaa caawinkaraan si aad si fiican ula qabsato noloshaada iyo nolol maalmeedkaagaba. Waxaan sidoo kale ku siin karnaa taageero qaraabadaada.

Dhibaatada dabeecada

Mararka qaarkood wuxuu qofku samayn karaa waxyaalo aan u wanaagsanayn naftiisa iyo tan dadka kaleba. Waxay noqon kartaa wax ku saabsan inaad naftaada dhaawacdo, cabsi geliso dadka kale, inaad rabshad samayso ama wax jejebiso. Baxnaanintu waxay caawin kartaa carruurta iyo dadka waaweyn ee sameeya waxyaalahan oo kale oo ay soo baaraan waxa sababay arrintaas. Oo waxaynu innagu si wadjir ah uga shaqayn karnaa sidii aan wax uga bedeli lahayn.

Taageerada bulshada

Cid kale oo aan ahayn baxnaaninta ayaa qofka naafada ah siin kara noocyo kala duwan oo taageero ah. Taageeradu waxay ka iman kartaa, tusaale ahaan, degmada, Hay'adda caymiska bulshada (Försäkringskassan), dugsiga ama jaamacadda. Baxnaanintu way garanaysaa taageerada la heli karo ee jirta iyo sida loo codsado.

Dhaqdhaqaaqa iyo guurguurka/soc-socodka

Dhaqdhaqaaqu wuxuu ku saabsan yahay jirka oo dhammaantii la dhaqdhaqaajiyo. Haddii ay kugu adag tahay dhaqdhaqaaqyada qaarkood waxaad u baahan tahay qalabka wax caawiya. Wuxuu noqon karaa, tusaale ahaan kursiga curyaanka ama wax gacanta la geliyo oo kaa caawiyo meesha gacantu ka laabato.

Baxnaanintu waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad ku tababarato dheelitirkaaga ama awoodaada dhaqdhaqaaq. Waxaanu helikarnaa in aanu ku shaqayno meelo wanaagsan marka aad jiifto, fadhido ama aad taagan tahay.

Neefsashada iyo liqidda

Naafooyinka qaarkood waxay saameeyaan neefsashada. Markaa baxnaanintu waxay kaa caawin karaan in neeftu si fiican u shaqeyso.

Haddii ay kugu adag tahay calaalinta iyo liqiddu, baxnaanintu waxay heli kartaa hab kuu fududaynaya taas.

Xanuunka iyo aragtida dareenka (sinnesintryck)

Naafanimada qaarkood waxay keentaa xanuun. Waxaad noqon kartaa qof tigtigan oo welwelsan. Baxnaanintu waxay ka shaqayn karaan xanuunka ku xiran naafanimadaada.

Waxaanu sidoo kale caawin karnaa qof aadka ugu nugul aragtida dareenka. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay kugu adkaato inaad maqasho dhawaaqyada ama iftiinka qaarkood, dareenka maqaarka ama cuntooyinka qaarkood.

Nolol maalmeed shaqaynaya

Haddii ay kugu adag tahay nolosha gurigu waxaanu kaa caawin karnaa siyaabo kala duwan. Waxay noqon kartaa in laguu helo aalad/qalab ku caawiya iyo taageerooyin kale oo wax fududeeya. Waxay noqon kartaa inaad hesho caadooyin/dhaqan wanaagsan si aad u daryeesho gurigaaga iyo nadaafadaadaba.

Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa inaad wakhtiga si wanaagsan ula socoto iyo waxaad samayn karto nolol maalmeedkaaga.

Luqadda iyo xiriirka (isgaarsiinta)

Waxaad u baahan tahay inaad fahamto dadka kale. Dadka kalena waxay u baahan yihiin inay fahmaan waxaad rabto. Baxnaanintu waxay kuu heli kartaa habab wanaagsan oo aad ku xiriirto oo aad luqaddaha isticmaasho. Waxay noqon kartaa luqadda dhegoolayaasha iyo sawirrada halkii aad ku hadli lahayd oo aad qori lahayd. Waxa kale oo jira siyaabo kale oo loo isticmaalo luqadda, sida qalabyada hadlaya.

Qofka hadli kara laakiin ay ku adag tahay fahamka dadka kale iyo in la fahmo waxaa lsgu siinayaa caawimo.

Xiriirka iyo la socodka dadkale

Naafanimadaadu waxay saameyn kartaa sida aad u raacayso ama ula soconayso dadka kale. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato in lagaa caawiyo fahamka sida dadka kale u fikiraan oo ay u shaqeeyaan. Ama waxaad ka fikirtaa sida ay adiga kuu arkaan. Waxaanu kaa caawin karnaa inaad hesho habab aad kula socoto oo adiga kugu habboon.

Waxay kaloo noqon kartaa inaad waalid tahay. Waxaad nagala hadli kartaa sida ay carruurtaadu tahay.

Caafimaadka iyo qaab nololeedka

Naafonimadaadu waxay saameyn kartaa caafimaadkaaga. Waxaanu kaa caawin karnaa inaad hesho caadooyin ku dareensiiya wanaag, hadda ama wakhti kale. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, caadooyinkaaga dhinaca cuntada ama inaad dhaqdhaqaaq samayso.

Waxaanu sidoo kale kaa caawin karnaa hurdada, istereska, welwelka, kalinimada iyo su'aalaha ku saabsan galmada.

Dugsiga iyo shaqada

Waa muhiim in dugsiga ama shaqada ay kuu socdaan si aad u dareento wanaag. Dad badan ayaa u baahan taageero gaar ah marka ay joogaan dugsiga ama shaqada. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, inuu qofku fadhiyo jawi deggan oo xasilloon. Mararka qaarkood dadka kale waxay u baahan yihiin inay wax badan ka bartaan naafonimadaada, sida macalinka ama horjoogaha shaqada. Baxnaanintu waxay siin karaan talo ku saabsan waxa la samayn karo.

Aqoonta ku saabsan naafonimada

Way fiicantahay inaad fahmto oo aad yeelato aqoon ku saabsan naafanimadaada. Adiga iyo qoyskaaguba waxay baxnaannintu idin bari karaan waxyaabo badan oo ku saabsan naafanimadaada iyo sida ay kuu saameynayso adiga. Markaa adiga iyo annagaba waxaa inoo fududaanaya in aynu ogaano taageerada aad u baahan tahay.

naafonimadu waxay kaa dhigi kartaa inaad dareento si kale. Sidoo kale waxa adkaan karta inaad caawimo uga baahan tahay dadka kale. Waxaad nagala hadli kartaa sida ay nolosha ku dareemayso.

Taageerada qaraabada

Haddii aad qaraabo u tahay ilmo ama qof weyn oo naafo ah waxaad ka heli kartaa taageero baxnaaninta si aad u dareento wanaag. Tani waxay khusaysaa qofka waalidka ah, walaalaha, dadka lammaanaha ah ama ilmaha uu dhalay qofka naafada ahi.

Haddii aad dadkale guri kula nooshahay

Haddii aad adigu kula nooshahay dadka kale guri ama aad leedahay hawl maalmeed, waxaad xaq u leedahay inaad degmadaada ka hesho qayb ka mid ah baxnaanintaada. La hadal shaqaalaha ama qofka ma’uulka kaa ah (gode man). Waxay kaa caawin karaan inaad ogaato cidda kaa caawin doonta waxaad u baahan tahay.