Taageerada bulshada (Samhällets stöd, SoL och LSS)

Svensk version av sidan

Dadka naafada ahi waxay xaq u leeyihiin taageero gaar ah oo ay ka helaan dhinaca bulshada. Tani waxay khusaysaa dadka waaweyn iyo carruurtaba. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sharciyada khuseeya taageeradaas. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Taageerada aad heli kartaa waxay ku xidhan tahay inta ay leegtahay naafannimadaadu iyo inta ay saamayn ku yeelato nolol maalmeedkaaga.

Degmadu waxay mas'uul ka tahay taageerada nolol maalmeedka. Gobolkuna wuxuu mas'uul ka yahay daryeelka caafimaadka, sida baxnaanada.

Sharciyada taageerada iyo daryeelka caafimaadka

Gaar ahaan waxa jira saddex sharci oo khuseeya taageerada iyo daryeelka caafimaadka:

  • sharciga caafimaadka- iyo daryeelka bukaanka (HSL)
  • sharciga adeega bulshada (SoL)
  • sharciga taageerada iyo adeegga dadka naafada ah qaarkood (LSS).

Sharciga caafimaadka- iyo daryeelka bukaanka (HSL)

Sharciga caafimaadka- iyo daryeelka bukaanku waxa uu sheegayaa daryeelka aad xaqa u leedahay in aad ka hesho gobolka, degmada iyo daryeel bixiyayaasha kale.

Sharcigu wuxuu kaloo sheegayaa cidda la siin karo qayb ka mid ah daryeelka. Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku)  waa qayb ka mid ah daryeelka Gobolka Stockholm.

Gobolka ayaa qofka naafada ah u soo bandhigi doona kaalmooyin kala duwan. Waxay tusaale ahaan noqonkartaa:

  • baxnaanin (habilitering)
  • qalabka wax caawiya (hjälpmedel)
  • adeegga turjubaanka ee maalinlaha ah

Sharcigu wuxuu kaloo sheegayaa dammaanad qaadida daryeelka caafimaadka. Wuxuu ku saabsan yahay inaad xaq u leedahay inaad hesho daryeel caafimaad wakhti go'an.

Sharciga adeegga bulshada (SoL)

Sharciga adeegga bulshadu wuxuu dhigayaa in dadka naafada ah iyo qaraabadoodu inay xaq u leeyihiin taageero ay ka helaan degmada.

Sida ay u ekaanayso taageerada waxay ku xiran tahay baahidaada. Arrintu waxay ku saabsan tahay inaad awood u hesho inaad u noolaato sida dadka kale.

Raageerada ka timaada degmada waxaa badanaa loogu yeeraa caawimo (bistånd). Waxaad codsan kartaa dhowr nooc oo taageero kala duwan ah. Tusaalooyin ka mida h taageerada waa:

  • taageero dhinaca guriga ah
  • qof aad la xiriirto in laguu sameeyo
  • qof wehel ah
  • hoy ama guri adeeg gaar ah leh
  • lacag – taageero dhinaca dhaqaalaha ah, cunto iyo wixii kale ee aad u baahan tahay.

Waxaad taageerada u dalbanaysaa sida ku qoran sharciga adeegga bulshada ee degmada aad ku nooshahay. Dadka ku nool magaalada Stockholm waxay taageerada ka raadsadaan degmada uu qofku deggen yahay.

Qofka ka mas’uula ah carruur, qof mas’uul looga dhigay qofkale (god man), qof ka mas’uulah qof aan ismaamuli karin (förmyndare) ama qof ka wakiil ah qofkale ayaa codsan karo taageerada.

Qofka buuxiyey 15 sano ayaa isagu keligiis codsan kara taageerada. Qofku ma codsan karo lacag.

Codsiga waxaad ku samayn kartaa afka ama qoraal.

Sharciga taageerada iyo adeegga dadka naafada ah qaarkood

Sharciga taageerada iyo adeegga dadka naafada ah qaarkood (LSS) wuxuu dhigayaa in dadka sida xun naafada u qabaa ay codsan karaan taageero. Naafada xun macnaheedu waa inay naafadu saamayso nolosha wax badan. Sidoo kale waa inay naafadaasi qofka la socotaa noloshii oo dhan ama wakhti dheer.

Sharcigu wuxuu khuseeyaa saddex guruub oo kala duwan. Sharciga, guruubka waxaa loogu yeeraa wareega dadka (pseonkrets):

  1. Dadka qaba naafada dhinaca garaadka (intellektuell) iyo dadka qaba cudurka neerfayaasha maskaxda ku dhaca (autism)
  2. Dadka uu dhaawac maskaxeed ka soo gaaray markii ay dad waaweyn noqdeen, shil ama jirro kaas oo dhaawacaa maskaxdu yahay mid halis ah.
  3. Dadka qaba naafoioyin kale oo waaweyn, kuwaas oo noloshooda u keena dhibaatooyin badan.

Taageeradu waa inay caawisaa si qofka loo siiyo nolol wanaagsan.

Waxaad codsan kartaa toban nooc oo taageerooyin kala duwan ah. Waxaa loo yaqaan dadaalo la bixinayo waxaana ka mid ah:

  • qof aad la xiriirto in laguu sameeyo
  • adeega qofka, qof beddeleya iyo adeega wehelka
  • caawinkta shakhsinimo (personlig assistans)
  • qofka oo bannaanka loo saaro wakhti gaaban (korttidsvistelse)
  • hawl galka maalin laha ah
  • ku noolaanshaha guri qoys ama guri leh adeegyo gaar ah.

Waxaad taageero u codsanaysaa sida ku qoran sharciga taageerada iyo adeegga dadka naafada ah qaarkood (LSS) ee degmada aad ku nooshahay.

Qofka ka mas’uula ah carruur, qof mas’uul looga dhigay qofkale (god man), qof ka mas’uulah qof aan ismaamuli karin (förmyndare) ama qof ka wakiil ah qofkale ayaa codsan karo taageerada.

Qofka buuxiyey 15 sano ayaa isagu keligiis codsan kara taageerada.

Codsiga waxaad ku samayn kartaa afka ama qoraal.

Qorshe shakhsiyeed la isku dubbariday

Dadka taageerada ka hela degmada iyo gobolka labadaba waxay heli karaan qorshe shakhsiyeed la isku dubbariday (SIP).

Qorshaha shakhsiyeed ee la isku dubbariday waa inuu adiga iyo qaraabadaada u noqdaa caawimo si aad u qorshaysataan oo aad isugu dubbaridaan caawimooyinka ka yimanaya meelah kala duwan. Tani waxay khusaysaa haddii tusaale ahaan aad taageero ka hesho baxnaaninta iyo adeegga bulshada labadaba.

Qorshaha shakhsiyeed ee la isku dubbariday waa inuu cad yahay waxaana ku jira:

  • dadaalada ay tahay in lagu siiyo
  • yaa ka mas’uul ah dadaadaladaas
  • sida qorshaha dabagalka loogu samaynayo.

Haddii aad la xiriirto Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) iyo xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen), waxa kale oo halkaa laga helikaraa qorshe shakhsiyeed oo la isku dubbariday.