Marka aad qaan gaarto (När du blir myndig)

Svensk version av sidan

Boggan waxa loogu talagalay qofka noqon doona ama hadda noqday qaan gaar. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Adigu go’aanso

Markaad 18 jir gaarto, waxaad noqotay qof qaan gaar ah. Adiga ayaa go'aan ka gaari kara naftaada. Waxaad heli doontaa inaad ilaashato lacagtaada. Waxaad la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka.

Way fiicnaan kartaa inaad adigu naftaada go’aan ka gaarto. Laakiin waxaa jira wax badan oo laga fekerayo. Haddii aadan adigu wax walba iska deberikarin, waxaa lagu siinayaa caawimo.

Way fududaanaysaa haddii aad diyaar garowdo. Marka hore la hadal waalidkaa ama qof kale oo weyn inta aanad buuxin 18 jir.

Raadso daryeel caafimaad

Waa inaad adigu raadsataa daryeelka caafimaadka oo aad go'aan ka gaartaa daryeelka aad rabto. Waxaad xaq u leedahay inaad fahanto wax kasta oo khuseeya daryeelkaaga. Weydii shaqaalaha inay kuu sharxaan haddii aadan fahmin.

Xitaa haddii aad tagtay baxnaaninta, waa inaad mar kale nala soo xiriirtaa. Waxaad u baahan tahay inaad u wareegto xarunta baxnaaninta ee dadka waaweyn. Waxaanu sidoo kale kaa caawin karnaa inaad hesho midka saxda ah haddii aad u baahan tahay inaad raadsato daryeel kale.

Waalidkaa ayaa ku caawin kara haddii aad rabto taas. Waxaad waalidkaa siin kartaa awood wakiilnimo (oggolaansho) inay akhriyaan diiwaankaaga caafimaadka ama ballan qabso. Waxay sidoo kale khusaysaa xiriirka dugsiga/iskuulka. Awood siintu ama wakiilnimadu waxay shaqaynaysaa oo keliya ilaa inta aad adigu rabto.

Haddii aad xiriir badan la leedahay degmada iyo daryeelka caafimaadka labadaba, waxaad xaq u leedahay SIP, Qorshaha Isku-dubbaridka Shakhsiga. Markaa daryeel bixiyeyaasha kala duwani waa inay wada hadlaan oo ay kuu fududeeyaan arrimaha.

Qof kaa mas’uul ah (god man)

Haddii aad u baahan tahay caawimo dheeraad ah, waxaad codsan kartaa in laguu qabto qof kaa mas’uul ah (god man). Qofka kaa mas’uulka ahi wuxuu qaban karaa, tusaale ahaan:

  • inuu kharasyada kaa bixiyo oo uu kuu maamulo dhaqaalahaaga
  • xiriir kuula sameeyo daryeelka caafimaadka
  • xiriir kuula sameeyo degmada (kommunen)
  • kuu raadiyo meelo aad aktiifiteetyo ku samayso
  • kuu raadiyo taageero dhaqaale iyo lacagaha la bixiyo.

Si kastaba ha ahaatee adiga ayaa go'aaminaya dhaqaalahaaga iyo daryeelkaaga caafimaadba. Waalidka mas’uul way kaa noqon karaan. Laakiin sidoo kale wuxuu noqon karaa qof kale oo aad adigu ku kalsoon tahay.

Haddii aad rabto nin qof mas’uul kaa noqdo, la xiriir degmada aad ku nooshahay. Annaga ayaad na waydiin kartaa qaybta baxnaaninta sida codsiga loo sameeyay.

La hadal qof

Waxay noqon kartaa wax xiiso leh inaad noqoto qof weyn! Waana muhiim in aad dareento wanaag. Miyaad u baahan tahay inaad qof kala hadasho wax kasta oo dhacaya? Weydii la-taliyaha dhinaca arrimaha bulshada ee qaybta baxnaaninta, rug caafimaad ama xarun dhallinyo.