Dadka waaweyn ee naafada ah (För vuxna med funktionsnedsättning)

Svensk version av sidan

Halkan waxaanu ku qeexeynaa waxay baxnaanintu kuu tari karto hadaad tahay qofka naafada ah. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Khuseysa baxnaaninta

Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku) waxay ku siinayaan taageero iyo caawimo adiga oo ah qofka naafada ah. Waxay noqon kartaa cudurka neerfayaasha maskaxda (autism), dhaawac maskaxda ku dhacay, naafanimada garaadka, naafanimada dhaqdhaqaaqa ama dhego la'aanta iyo indho la’aanta.

 Baxnaanintu waxay kuu fududaynaysaa nolol maalmeedka. Waxaad heleysaa caawimo si aad naftaada, guriga iyo bulshadaba u maarayso keligaa. Intii suurtogalka ah.

Adiga ayaa codsan kara baxnaaninta. Waxa kale oo ay noqon kartaa inuu dhakhtarka ama qof leh aqoonta cilmi nafsigu uu annaga noo soo kaa gudbiyo. Waxa ay soo qoreena ay tahay inaad u baahan tahay baxnaanin.

Marka annaga naloo soo diro gudbinta ama codsiga, waxaad heli doontaa warqad ay kuu soo direen mid ka mid ah xarumahaya qaabbilaaduhu.

Wax kharash ah ma aha in baxnaanin lagu siiyo.

Waxyaabahan ayaad caawimo ka heleysaan

Baxnaanintu waxay kaa caawin kartaa waxyaabo kala duwan. Si wadajir ah ayeynu ugu heshiinaynaa kaalmada aad heli doontaan. Baxnaanintu waxay ka shaqeeyaan waxyaabahan:

  • aqoon ku saabsan naafanimada
  • nolol maalmeed shaqaynaya
  • caafimaadka iyo qaab nololeedka
  • dhaqdhaqaaqa iyo guurguurka/soc-socodka
  • neefsashada iyo liqidda
  • xanuunka iyo aragtida ka timaada dareenada kala duwan
  • luqadda iyo xiriirka (isgaarsiinta)
  • xiriirka iyo la socodka dadka
  • dhibaatada dabeecada
  • dugsiga iyo shaqada
  • taageerada bulshada
  • taageerada qaraabada.

Waxaanu annagu la shaqaynaa daryeelayaasha kale ee caafimaadka, dugsiga xannaanada carruurta ama iskuulka haddii loo baahdo.

Baxnaanintu wax kasta kaama caawin karto, tusaale ahaan, ma qori karno daawo. Waxaanu idiin sheegi karnaa meesha aad ka raadsan kartaan caawimo kale haddii aad u baahan tihiin.

Sidan ayaanu taageero ku bixinaa

Waxaad nagula kulmi kartaan ama waxaad ku heli kartaa taageero siyaabo kala duwan. Waxay noqon kartaa:

  • koorsooyin ​​ama dad guruubo kooxo-kooxa ah
  • rugaha qaabbilaadaha baxnaaninta
  • gurigiina
  • dugsiga xannaanada carruurta ama iskuulka
  • telefoon aynu kuwada hadalno ama fiidiyowga layska arko.

Taageerada qaraabada

Waxaan ku siin karnaa taageero waalidkaa iyo walaalahaa haddii ay u baahan yihiin inay dareemaan caafimaad wanaagsan. Waxaan sidoo kale ku siin karnaa taageero carruurtaada.

Sir qarin iyo buugga/diiwaanka caafimaadka (journal)

Hadaanu nahay dadka ka shaqeeya baxnaaninta waxaa na saaran waajibka sir qarinta. Taas macnaheedu nalooma oggol in aanu cid kale u sheegno arrimahaaga ama naafanimadaada.

Waxaanu ku qornaa buugga/diiwaanka caafimaadka caawimada aanu adiga ku siino. Waxaad akhrin kartaa diiwaankaaga caafimaadka bogga (1177.se) haddii kale waxaad naga codsan kartraa in aanu kuu soo qorno.

Turjumaan

Haddii aadan ku hadlin iswiidhishka, waxaad heli kartaa turjumaan markaad nala kula kulmayso. U sheeg qofka aad kula kulmi doonto baxnaanintu haddii aad u baahan tahay.

U sheeg si daaad u aragto

Haddii aadan ku qanacsanayn waxa aanu samayno, waxaanu jeclaan lahayn inaad noo sheegto. Waxaad sidoo kale bixin kartaa talooyin ku saabsan waxa laga sii fiicnayn karo waxa hadda la sameeyo.