Baxnaaninta loogu talogalay waalidiinta (För föräldrar om habilitering)

Svensk version av sidan

Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku) waxay taageero iyo caawimo siiyaan carruurta naafada ah. Waxaan sidoo kale ku siiyaan taageero qofka waalidka ah iyo qaraabada kaleba. Halkan waxaynu ku qeexaynaa sida ay u shaqayso. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Khuseysa baxnaaninta

Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku) waxay qaabbilaan carruurta naafooyinka kala duwan leh. Waxay noqon kartaa cudurka neerfayaasha maskaxda (autism), dhaawac maskaxda ku dhacay, naafonimada garaadka, naafonimada dhaqdhaqaaqa ama dhego la'aanta iyo indho la’aanta.

Baxnaanintu waxay ka caawinyaan carruurta inay caafimaad wanaagsan dareemaan oo ay iyagu isdeberikaraan. Intii suurtogalka ah.

Carruur badan ayey soo gudbiyeen qof dhakhtar ah ama qofk leh aqoonta cilmi nafsiga. Hadaad waalid tahay waxaad adiguna sidoo kale u codsan karaa baxnaaninta ilmahaaga.

Marka annaga naloo soo diro gudbinta ama codsiga, waxaad adiga oo waalidka ilmaha ah heli doontaa warqad ay kuu soo direen mid ka mid ah xarumahaya qaabbilaaduhu.

Wax kharash ah ma aha in baxnaanin lagu siiyo.

Waxyaabahan ayaad caawimo ka heleysaan

Baxnaanintu waxay kaa caawin kartaa waxyaabo kala duwan. Si wadajir ah ayeynu ugu heshiinaynaa kaalmada aad heli doontaan. Baxnaanintu waxay ka shaqeeyaan waxyaabahan:

  • aqoon ku saabsan naafanimada
  • nolol maalmeed shaqaynaya
  • caafimaadka iyo qaab nololeedka
  • dhaqdhaqaaqa iyo guurguurka/soc-socodka
  • neefsashada iyo liqidda
  • xanuunka iyo aragtida ka timaada dareenada kala duwan
  • luqadda iyo xiriirka (isgaarsiinta)
  • xiriirka iyo la socodka dadka
  • dhibaatada dabeecada
  • dugsiga iyo shaqada
  • taageerada bulshada
  • taageerada qaraabada.

Waxaanu annagu la shaqaynaa daryeelayaasha kale ee caafimaadka, dugsiga xannaanada carruurta ama iskuulka haddii loo baahdo.

Baxnaanintu wax kasta kaama caawin karto, tusaale ahaan, ma qori karno daawo. Waxaanu idiin sheegi karnaa meesha aad ka raadsan kartaan caawimo kale haddii aad u baahan tihiin.

Sidan ayaanu taageero ku bixinaa

Waxaad nagula kulmi kartaan ama waxaad ku heli kartaa taageero siyaabo kala duwan. Waxay noqon kartaa:

  • koorsooyin ​​ama dad guruubo kooxo-kooxa ah
  • rugaha qaabbilaadaha baxnaaninta
  • gurigiina
  • dugsiga xannaanada carruurta ama iskuulka
  • telefoon aynu kuwada hadalno ama fiidiyowga layska arko.

Macluumaad ku socda ilmaha

Ilmahaagu wuxuu u baahan yahay macluumaadka ku saabsan naafanimadiisa. Ilmuhu sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu ogaado waxa baxnaanintu ku caawinayso.

Ilmahaaga waa in loo ogolaado inuu wax ka odhankaro waxa uu ka qabo in la baxnaaninyo. Mar kasta oo ilmuhu sii weynaadaba, wuxuu inta badan ilmuhu ka qayb qaadan karaa qorshaynta baxnaanintiisa.

Doorka aad adigu waalid ahaan ku leedahay

Adigu waalid ahaan muhiim ayaad u tahay baxnaaninta ilmahaaga. Adiga ayaa og waxa ku adag ilmahaaga. Adiga ayaa sidoo kale waxaad tahay qofka u baahan inaad ilmaha ku taageerto, tusaale ahaan, tababar ama adeegsi qalabka uu isticmaalayo.

Waxaad u baahan tahay inay naftaadu caafimaad qabto si aad u awooddo inaad taageerto ilmahaaga. Sidaa darteed, waxaad nagala hadli kartaa sida caafimaadkaagu yahay. Waxaad sidoo kale ka mid noqon kartaa koox waalidiin ah.

Sir qarin iyo buugga/diiwaanka caafimaadka (journal)

Hadaanu nahay dadka ka shaqeeya baxnaaninta waxaa na saaran waajibka sir qarinta. Taas macnaheedu nalooma oggola in aanu cid kale u sheegno arrimaha ilmahaaga.

Waxaanu ku qornaa buugga/diiwaanka caafimaadka caawimada aanu ilmaha siino. Waxaad akhrin kartaa diiwaanka caafimaadka ilmaha ilaa uu ilmuhu ka gaarayo qiyaastii 12 jir.

Turjumaan

Haddii aadan ku hadlin iswiidhishka, waxaad heli kartaa turjumaan markaad nala kula kulmayso. U sheeg qofka aad kula kulmi doonto baxnaaninta haddii aad u baahan tahay.

U sheeg si daaad u aragto

Haddii aadan ku qanacsanayn waxa aanu samayno, waxaanu jeclaan lahayn inaad noo sheegto. Waxaad sidoo kale bixin kartaa talooyin ku saabsan waxa laga sii fiicnayn karo waxa hadda la sameeyo.