Waxaanu rabnaa inaan ogaano sida ay kula tahay (Vi vill veta vad du tycker)

Svensk version av sidan

Miyaadan ku qanacsanayn daryeelkaaga caafimaad? Miyey jiraan waxay ay tahay inaanu si sidaa ka wanaagsan aanu samayno? Waxaanu jecelnahay inaad noo sheegto sida aad u aragto. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Waxaa jira saddex siyaabood oo aad noogu sheegi karto sidaad u aragto:

  • kala hadal qof jooga qaybta qaabbilaada
  • soo qor warqad
  • kala hadal la taliyaha bukaan jiifka.

Qaybta qaabbilaadu waa inay dhegaysataan aragtidaada. Way kula soo xiriiri doonaan marka ay wadahadalkaaga dhagaystaa ama ay helaan warqaddaada. Waa inaad jawaabta hesho sida ugu dhakhsaha badan. Jawaabtu waa inaysan qaadan wax ka badan afar toddobaad.

Haddii uu adiga qoraalku kugu adagyahay waxaad caawimo ka heli kartaa qaraabadaada, qof ka shaqeeya LSS ama turjumaan ayaa telefoonka kaa caawinkara.

Kala hadal qof jooga qaybta adiga ku qaabbilsan

Kala hadal shaqaalaha aad inta badan kula kulanto qaybta qaabbilaada. Iyaga ayaad u sheegaysaa fikredehaaga. Haddii aadan rabin inaad kala hadasho shaqaalaha, waxaad codsan kartaa inaad kala hadasho sheefka qaybta qaabbilaada.

Soo qor warqad

Waxa kale oo aad warqad ka soo qori kartaa sidii wax u dhaceen kadibna warqadda waxaad u geyneysaa qaybta qaabbilaada. Ama ku soo dir boostan cinwaankeedu yahay:

Habilitering & Hälsa
Box 45436
104 31 Stockholm

Uma baahnid inaad magacaaga sheegto. Laakiin haddii aad rabto jawaab, waxaan u baahanahay inaad sheegto magacaaga iyo cinwaankaaga ama lambarkaaga telefoonka.

Kala hadal la taliyaha bukaan jiifka (Patientvägledaren)

Haddii aadan rabin inaad la xiriirto qaybta qaabbilaada ee adiga ku qaabbilsan, waxaad la xiriiri kartaa lataliyaha bukaan jiifka. Lataliyaha bukaanka jiifka waxa loogu talagalay inuu adiga kaa dhegeysto wixii aad aragti qabto. Waxaad u sheegi kartaa wixii aad soo martay iyo inaad ka hesho caawimo ku saabsan si aad ula xiriirto daryeelka caafimaadka.

Uma baahnid inaad magacaaga sheegto. Laakiin haddii aad rabto jawaab, waxaan u baahanahay inaad sheegto magacaaga iyo cinwaankaaga ama lambarkaaga telefoonka.

Ugu dir warqadda la lataliyaha bukaan jiifka cinwaankan (Patientvägledaren):

Stockholms läns sjukvårdsområde
Patientvägledare
Box 45436
104 31 STOCKHOLM

Waxaad kaloo wicikartaa lambarka telefoonka: 08-123 400 40.