Codsi ku saabsan baxnaaninta (Ansök om habilitering)

Svensk version av sidan

Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku) waxay siiyaan taageero iyo caawimo carruurta iyo dadka waaweyn ee naafada ah. Waxaan sidoo kale taageero siinaa qaraabada. Lacag ma aha in baxnaanin qofla la siiyo. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Qofkee ayaa taageero heli kara?

Habilitering & Hälsa (Baxnaaninta & Caafimaadku) waa qayb ka mid ah Gobolka Stockholm. Waxaanu taageero siinaa:

  • carruurta iyo dhalinyarada ilaa 25 jirka ah ee qabta adhd-ga
  • cudurka neerfayaasha maskaxda ku dhaca ee saameeya qarashada iyo caadifada qofka (autism)
  • dhego la'aanta ama dhaawac halis ah oo xagga maqalka ah ee dadka waaweyn ee ku hadla luqadda dhegoolayaasha
  • dhego la’aanta iyo indho la’aanta
  • qof uu dhaawac maskaxeed soo gaaray
  • naafonninada garaadka/maskaxda – horumar doorsoonka (intellektuell funktionsnedsättning/utvecklingsstörning)
  • naafonnimada dhinaca dhaqdhaqaaqa (rörelsenedsättning).

Sidan ayaad u codsan kartaa adigu

Habka ugu caadisan ee aad noogu iman kartaa waa in dhakhtar ama qof cilmi-nafsi yaqaan ahi uu noo soo kaa gudbiyo annaga. Adiga qudhaaduna waad codsan kartaa.

Si aad u hesho baxnaanin, waxaad u baahan tahay warqad caddayn caafimaad ama koobi aad ka keento buugga diiwaanka caafimaad kaas oo qeexaya naafanimadaada. Warqadaas waxaa lagu siinayaa baaritaan ka dib. Baaritaanka waxaa lagu sameeyaa rugta caafimaadka ama rugta caafimaadka dhimirka/maskaxda.

Dadka intooda badani waxay ka dalbadaan baxnaaninta mid ka mid ah xarumahayaga baxnaaninta. Waxaa jira 17 xarumood oo ah goobo wax lagu baxnaaninyo ee gobolka Stolholm.

Waxaad ka dalban kartaa bogga 1177.se. Waxaad sidoo kale boosta ugu dirikartaa foom codsiga qaybta qaabbilaada aad rabto inaad tagto ama wac.

Waxaad caawimo ka heli kartaa dadka aad qaraabada tihiin, shaqaalaha LSS-ka ama telefoonka ayaa laguugu turjumikaraa markaad codsanayso.

Codsiga ama marka lagu soo gudbiyo kadib

Waxa aad heli doontaa warqad lagugu yeerayo shir ugu dambayn 30 maalmood kadib marka aanu helno gudbinta ama codsiga.

Magangalyo doonka

Carruurta ay da'doodu u dhaxayso 0-17 sano, kuwaas oo ah magangalyo doon ama aan haysan sharciga deggenaanshaha wadanka waxay xaq u leeyihiin baxnaanin (habilitering) taas oo muhiimad weyn u leh caafimaadka.

Dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah ama aan haysan sharciga deggenaanshada wadanka, xaq uma laha baxnaaninta (habilitering).