Baxnaanin ku saabsan carruurta iyo dhalinyarada (För barn och ungdomar om habilitering)

Svensk version av sidan

Ku soo dhawow baxnaaninta. Waxaanu caawin karnaa qofka naafada ah. Qoraalku wuxuu ku qoran yahay luqad fudud (lättläst).

Baxnaanintu waxay adiga iyo qoyskaagaba kaa caawin karaan haddii, tusaale ahaan, aad qabto cudurka neerfayaasha maskaxda ku dhaca (autism), naafonninada garaadka/maskaxda - horumar doorsoonka (intellektuell funktionsnedsättning/utvecklingsstörning) ama naafo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah.

Hadaanu nahay dadka ka shaqeeya baxnaaninta waxaanu nahay dad khubaro ku ah naafannimada. Waan ognahay wax kasta oo nolosha guriga iyo iskuulkaba fududeynaya.

Maxay kaa caawin karaan baxnaanintu adiga?

Baxnaanintu waxay kaa caawin kartaa waxyaabo kala duwan. Halkan waxa ku yaala dhowr tusaale oo ku saabsan waxa aad ku tababaran karto ama lagaa caawinkaro:

  • inaad wax xasuusato
  • inaad wakhtiga la socoto
  • inaad hesho waxyaabo aad ku madadaalato wakhtiyada aad firaaqada tahay
  • in kursiga curyaanka lagugu kexeeyo
  • tababaro jirka ah
  • fahamka shucuurta/dareenka
  • inaad isdabciso (slappna av)
  • hurdo fiican
  • inaad sheegto ama tusto waxaad rabto
  • inaad hesho isku kalsoonaan naftaada ah.

Marka ugu horaysa ee aanu kula kulano waxaanu ku weydiinaynaa waxa aad adigu samaynkarto ama aad rabto inaad ku fiicnaato. Adiga ayaa keligaa nala kulmikara ama iyaga oo ay waalidkaa kula socdaan. Mararka qaarkood waxaynu is-arkaynaa iyada oo ay inala joogaan dadka kale ee naafooyinka ah.

Xuquuqdaada

Heshiiska xuquuqda carruurta waa sharci Iswiidhan. Sharcigu waxa uu dhigayaa in dadka waaweyni ay ka fikiraan waxa u wanaagsan carruurta iyo dhallinyarada. Waxay u baahan yihiin inay dhegaystaan ​​waxay carruurtu leeyihiin/sheegayaan.

Waxaad weydiisan kartaa dadka waaweyn inay kuu sharxaan haddii aadan fahmin. Waxaadnad xaq u leedahay inaad u sheegto haddii ay wax khalad yihiin.

Lama ogola in aanu cidkale u sheegno waxa aad annaga noo sheegtay. Waxaa loo yiraahdaa xogta sirta (tystnadsplikt).

Maxaad doonaysaa inaad dadka kale u sheegto?

Way fiicnaan lahayd inaad go'aansato sidii aad uga hadli lahayd naafanimadaada. Ma rabtaa inaad u sheegto fasalka dugsiga dhammaantii? Mise saaxiibkaa ugu fiican oo keliya? Ereyadee ayaad rabtaa inaad isticmaasho?

Waad nala hadli kartaa annaga. Waxaan kaa caawin karnaa inaad hesho ereyo marka aad ku hadasho ku siinaya dareen wanaagsan.